Waa maxay dembiga la xiriira sharaf-ilaalinta?
Ulajeeddada rabshada iyo dulmiga la xiriira sharaf-ilaalinta waa in lagu ayido qiyamka iyo dhaqamada guud ee ku saabsan fikradaha sida sharaf-ilaalinta, meel-kadhaca, ceebta, iyo xishood la'aanta. Marka la joogo waqicigaan oo kale, sharaf-ilaalintu waxay matalaysaa qiyamka iyo xuquuqda in la ixtiraamo uu leeyahay shakhsiga ragga ah.
Kolka laga hadlayo sharaf-ilaalinta, sharafta ninka waxay ku xirantahay awoodiisa uu ku koontoroolo jirka, hab-dhaqanka, iyo shahwada dumarka ay isla dhasheen. Haddii naag ay wada dhasheen ay jabiso xeerarka iyo qiyamka kooxda, waxay fadeexad ku tahay ninka asaga ah. Hadafka laga leeyahay dulmiga iyo rabshada la xiriirta sharaf-ilaalinta waa in la dhowro ama dib loo soo ceshado sharaf su’aal la galiyay ama meel looga dhacay. Kooxdu waxay ka koobnaan kartaa reerka, ehelka, jifada, ama koox kale oo ay isku mid yihiin.
Fikradda sharaf-ilaalinta
Marka meela badan la joogo, sharaf-ilaalinta waxaa loo tixgaliyaa shay wanaagsan. Bulshooyinka shakhsiyadda mudnaanta siiya waxay la xiriiriyaan sharaf-ilaalinta dabeecadaha sida daacadnimada, huufnaanta, iyo garsoorka. Kuwaani waa dabeecado ay dhammaan xubnaha bulshadu yeelan karaan. Sidaa daraadeed, qof waliba oo kamida bulsho shakhsiyadda mudnaanta siisa wuu yeelaan karaa sharaf-ilaalin. Hase yeeshee, bulshooyinka kooxda mudnaanta siiya marka la joogo, ragga oo kali ah ayaa lagu ciseeeyaa sharaf-ilaalin. Bulshooyinkan waxay qabaan in haweenku aad u dhowrsanaadaan oona aysan banaanka keenin jirkooda sifo ragga noloshooda kamidka ahi ay u helaan sharaf-ilaalin. Hadii si kale loo dhigo, xishoodka ayaa aad ugu badan dhaqanka sharaf-ilaalinta.
Xeerarka dhaqanka sharaf-ilaalinta
Xeerarka sharaf-ilaalinta sidoo kale waxaa kamida fikradda in sharafta reerka ay ku tiirsantahay hab-dhaqanka saxda ah ama lagu andocoodo ee dumarka reerka kamidka ah, tasoo ah, sida wanaagsan ee ay u adeecaan waxa la aqbali karo sida ku cad fikradaha baahsan ee dhaqanka sharaf-ilaalinta ee bikranimada iyo dhowrsanaanta. Gabdhaha iyo haweenka aan la qabin waxaa looga baahanyahay in ay sugaan ilaa inta ay guursanayaan ka hor inta aysan sameynin galmo, halka gabdhaha iyo haweenka la qabo laga filayo inay ka fogaadaan galmo ka baxsan guurka.
Waxaan dareemaa inaan xiranahay. Waxaan lahaan jiray wiil-saaxiib ah oo aan aad u qiimayn jiray. Way burburiyeen noloshayda oo idil. Dib uma arki dono wiilkaas.
Koontoroolka iyo xukunka
Xukunka iyo koontoroolka ayaa u ah udub dhexaad dulmiga ku salaysan sharaf-ilaalin. Xayiraadaha, hanjabaadaha sharci darrada ah, rakaataynta shucuurta, bahdilaadda, iyo xadgudubyada kala duwan waxay ka dhigan yihiin dulmi. Inta badan waxaa jira xad yar oo u dhexeeya dulmiga iyo, tusaale ahaan, rabshadaha nafsiga ah.
Ujeedada dulmiga sharaf-ilaalinta la xiriira waa in la xakameeyo dumarka qaraabada ah si looga ilaaliyo inay ku dhaqmaan qaab khatar gelinaysa sharafta ninka ama qoyska, ehelka, ama guud ahaan. Sidaas daraadeed, dulmiga sharaf-ilaalinta la xiriira waa wado lagu muujiyo xukun.
Dulmiga ku salaysan sharaf-ilaalinta marka la joogo, waa wax caadi ah in waalidiintu ay go'aansadaan ku dhawaad wax kasta oo khuseeya caruurtooda. Waxay ku lug yeelan kartaa sida carruurta loogu oggol yahay inay u labistaan, cidda loo oggol yahay inay waqti la qaataan, nooca waxbarasho ee ay helaan, iyo noocyada hawlaha madadaalada ee loo oggol yahay inay ka qayb qaataan. Waxay sidoo kale tixraaci kartaa kala soocidda jireed iyo bulsho ee gabdhaha iyo wiilasha, iyo sidoo kale dumarka iyo ragga, gudaha guriga, dugsiga barbaarinta, dugsiga, iyo hawlaha firaaqada, tusaale ahaan.
Marka la eego xagga sharaf-ilaalinta, in la faquuqo oo la iska indho tiro xubin kooxeed waxay kaloo noqon kartaa dulmi. Waxaa lagu tilmaami karaa ereyo sharaf dhac ah sida nacas, dhillo, ama waxaan la rabin. Si kastaba ha ahaatee, waxay sidoo kale ku lug yeelan kartaa hanjabaado kala duwan, sida suurtogalnimada in xubnaha kale ee kooxda ay ka dhigaan nolosha qofka nugul mid aan loo dulqaadan karin.
Qodobka 12-aad ee Cahdiga Xuquuqda Carruurta ayaa wuxuu dhigayaa:
Cahdigu waxa uu dhigayaa in dawladuhu ay siiyaan carruurta awood u leh inay qaabaystaan fikradahooda xaqa ay u leeyihiin inay si xor ah u cabbiraan dhammaan arrimaha khuseeya iyaga. Iyadoo la eegayo da'da ilmaha iyo heerka qaan-gaarnimada, aragtida ilmaha waa in la siiyaa miisaan.
Inta badan, marxaladda waa ay is baddashaa iyadoo ku xiran jiinsiyadda. Marka la eego sharaf-ilaalinta, gabdhaha iyo haweenka ayaa si adag loo koontoroolaa loona xaddidaa marka loo barbar dhigo wiilasha iyo ragga.
Tusaale ahaan, dulmigu waxa uu ku lug yeelan karaa guurka khasabka ah ee ilmo ama qof weyn iyaga oo aan raalli ka ahayn. Waxa kale oo ay ka dhigan tahay in aan hablaha iyo dumarka loo ogolayn in ay wiilal iyo ragba dhexgalaan ama ay mar walba nin la socdaan marka ay guriga ka baxayaan.
Caawaqib ahaan ku lug yeelashada dhaqan aan loo baahnayn, qofka waxaa lagu samayn karaa dulmi la xiriira sharaf-ilaalinta. Waxa markaa dhici karta in xubnaha kale ee kooxda, tusaale ahaan, iska dhigaan in aanay jirinba. Qofka dhibban sidoo kale waxaa laga yabaa in laga fogaado ama loogu Waco magacyo gaf ah.
Dulmiga sharaf-ilaalinta la xiriira waxa kale oo loogu dhaqmi karaa in qof qoyska ka mid ah ama qaraabadiisa lagu qasbo in uu qof kale dulmiyo, sida in wiilka lagu qasbo in uu koontoroolo oo xakameeyo walaashiis. Marxaladan oo kale, wiilasha iyo gabdhaha ayaa lagula kacaa dulmiyo kala duwan oo la xiriira sharaf-ilaalinta.
Xannibaadaha
Carruurta iyo dhallinyaradu waxay inta badan ku nool yihiin noocyo kala duwan oo xannibaado ah. Dadka waawayn ayaa u dajiya xudduudo, caruurta iyo dhalinyaradana waxaa looga baahanyahy iney adeecaan shuruucdaan. Mas'uuliyiintu waxay awood u leeyihiin inay dejiyaan xaddidaadyo iyo inay go'aannada ka gaaraan arrimaha kala duwan ee carruurta la xiriira. Hase yeeshee, carruurta iyo dhallinyaradu waxay sidoo kale xaq u leeyihiin inay fikrado ku yeeshaan oo ay ka qaybqaataan arrimaha iyaga saameeya.
Fursadaha ay carruurtu ku saameyn karaan noloshooda waa inay la jaanqaadaan da'da iyo qaan-gaarka. Carruurta iyo da'yarta ku nool deegaan ixtiraam leh, waa wax caadi ah in meesha ay ku nool yihiin ay yaraato marka ay koraan; Tani waxay si gaar ah run ugu tahay gabdhaha, kuwaas oo xorriyaddooda si aad ah loo yareeyo marka u dhiigga caadadu bilaabato.
Waxay noqon kartaa mid adag in la go'aamiyo xadka u dhexeeya fulinta la aqbali karo ee mas'uuliyadda waalidnimo iyo ku xad-gudubka xorriyadda aasaasiga ah iyo xuquuqda carruurta iyo da’yarta. Xayiraadaha waalidka ee caruurtooda had iyo jeer ma aha kuwo caqli gal ah. Xayiraadaha ayaa laga yaabaa in ay sababto in waalidiintu ay u maamulaan carruurta qaab xadgudub ku ah xuquuqda carruurta ee ah ka qaybgalka iyo samaynta go'aannada ku saabsan noloshooda.
Waxaan leeyahay rabitaan xoog badan inaan saaxibaday u raaco dabaasha. Aan dareemo inaan lamid ahay dadka kale. Laakiin ma lihi maryaha dabaasha iyo nigis-naageed toona.
Carruurtu waxay leeyihiin xuquuq in kastoo aysan ay haysan isku filnaanshaha dadka waaywayn. Xaqa ay carruurtu u leeyihiin inay ka qaybqaataan waa muujinta malkadooda bulsheed iyo sharciyeed ee ay ku leeyihiin bulshada dhexdeeda. Mid ka mid ah mabaadii'da Cahdiga Xuquuqda Carruurta ayaa ah in carruurtu ay xaq u leeyihiin in la maqlo oo ay ka qaybgalaan arrimaha iyaga khuseeya. Dadka waaweyni waa inay tixgeliyaan xuquuqda ka qaybgalka carruurta ee dhammaan arrimaha khuseeya xuquuqda carruurta.
Carruurta iyo da’yarta ee lagu sameeyo dulmiga la xiriira sharaf-ilaalinta waxaa si joogto ah ka mamnuuc ah inay la xiriiraan facooda ay isku da'da yihiin. Waxa kale oo laga yaabaa in lagu xaddido meelaha loo oggol yahay inay booqdaan wakhtiga firaaqada, fasallada loo oggol yahay inay ka qaybgalaan, iyo dharka looga baahan yahay inay xirtaan.
Carruurta iyo da'yarta ka tirsan koox gaar ah oo nugul, sida dadka naafada ah ama kuwa isku aqoonsaday inay yihiin LGBTQI, xaaladdu waxay noqon kartaa mid aad u adag. Waxa laga yaabaa inay dhacdo tusaale ahaan, in xakamayntu korodho marka qoysku ogaadaan u nuglaanshaha qofka nugul, sida rabitaanka galmada.
Rabshada
Rabshadaha la xiriirta sharaf-ilaalinta waxay noqon karaan kuwo jireed, maskaxeed, maaddi, galmo, ama calaamad, ama isku darka qaababkan muujinta.
Rabsho jireed
Rabshadaha jireed ayaa ugu horrayn ka kooban noocyo kala duwan oo xadgudub ah oo dhibanaha u geysta xanuun ama dhaawac jireed. Rabshadaha waxaa ka mid noqon kara haraanti, feer, magacyo ugu yeerid, timo-jiid, iyo waxa loogu yeero weerarrada aashitada, iyo kuwo kale.
Marka la eego macnaha sharaf-ilaalinta, ma ahan wax aan caadi ahayn in gacan ka hadal lagu daro waxyaabo caado ah sida xiiritaanka qasabka ah, qalidda xubnaha jirka ee kala duwan, ama naafaynta muuqaalka dhibbanaha iyada oo loo marayo hab ay ka mid yihiin weerar aashito ah. Nooc kale oo ka mid ah walxaha caadooyinka ah waa isticmaalka walxaha la xiriira wasakhnimada, sida xaaqinka, usha kabaha buutka lagu gashado, ama dacas, si loo sameeyo ficillo rabshado ah.
Ujeedada walxahaan caadada ah waa in laga faquuqo dhibbanaha bulshada wadajirka ah iyo in dambiilaha laga mayro mas'uuliyadda damiireed ee falalkiisa.
Rabshada nafsaaniga ah
Rabshadaha nafsiyeed waxay inta badan ka kooban yihiin erayo cay ah iyo aflagaado, sida dhillo, dib-u-dhac, wax iskuma fasho, iyo mid aan la rabin. Intaa waxaa dheer, dhibanaha waxaa lagu samayn karaa su'aalo isdhaaf ah, noocyo kala duwan oo bahdil ah iyo yasitaan, faquuq bulsho, iyo hanjabaadyo ciqaabo kala duwan.
Waa wax caadi ah in falalka loo kala saari karo rabsho nafsi ah in ay la socdaan dabeecadaha dulmiga ah, sida dhibbanaha oo la bahdilo ama lagu koontoroolo hanjabaad ciqaabeed.
Rabsho hantiyeed
Rabshadaha hantiyeed ah, oo sidoo kale loo yaqaano rabshada maaliyadeed, waxay ku lug yeelan karaan labadaba xaddidaadyo soocan ah, kuwaas oo dhibbanaha laga mamnuuco inuu maareeyo maaliyaddiisa, iyo baad lacageed. Baad lacageedku waxa uu iman karaa marka dembiilaha lagu qasbo in uu qaato lacag beddelkeeda ah in aanu u sheegin dhibbanaha qoyskiisa ama qaraabadiisa in uu sameeyay wax ceeb ah.
Rabsho galmeed
Kolka sharaf-ilaalin laga hadlayo, kufsiga, isku-tagga galmada ee dad wada dhashay, baaritaanka bikronimada, gudniinka fircooniga, qalliinka xuubka bikronimada, iyo dhibaataynta galmada ayaa ah tusaaleyaasha rabbshada galmada. Guurka qasabka ah iyo kan caruurta ayaa aalaaba lala xiriiriyaa rabsho galmeed.
Rabshada galmada ee marka la joogo sharaf-ilaalinta ayaa si gaar ah u noqon kara caqabad sababtoo ah waxay yeelan kartaa laba dhinac. Marka laga soo tago in lagu sameeeyey xadgudub galmo, dhibbanaha dambigu waxa uu halis ugu jiraa in lagu sameeyo ciqaab dheeraad ah haddii qoyskiisa, qaraabadiisa, ama jaaliyaddiisa ay ogaadaan xadgudubka.
Rabsho awood-sheegasho
Dhaawacyada noocyada kala duwan, sida burburinta alaabta qof ama waxyeelo u geysashada xayawaanka saaxiibkiisa ah, waa tusaalayaal rabsho awood-sheegad ah. Falalkani waxay inta badan u egyihiin walxaha caadada ku dhisan o laga helo rabshada jireed oo lagu magacaabo sharaf-ilaalinta.
Dulmiga la xiriira sharaf-ilaalinta wa dambi
Taarrikhdu markay ahayd Juun 1, 2022, dulmiga la xiriira sharaf-ilaalinta dambi ayuu ka noqday Iswiidhan. Dulmiga sharaf-ilaalinta waxa loola jeedaa fal-dambiyeedyo kala duwan oo la sameeyo iyadoo ujeedadu tahay dhowrista ama soo celinta sharafta qof, qoys, qaraabo, ama koox la mid ah. Haddii uu qofku galay dembiyo qaas ahaaned oo falalkaas ay qayb ka yihiin xadgudubyada soo noqnoqda ee daacadnimada dhibbanaha oo la doonayay in si weyn loo dhaawaco kalsoonida dhibanaha, dembiilaha waxaa lagu xukumi karaa xabsi u dhexeeya hal ilaa lix sano iyadoo loo maleynayo in dambiyada loo geystay ujeedo sharaf-ilaalin ku dheehantahy.
Xeerka dulmiga sharaf-ilaalinta ma khuseeyo dembiyada oo dhan. Falalka dembiyada ee keeni kara dulmiga sharaf-ilaalinta waxaa lagu xaddiday liiska cutubka 4aad, faqrada 4aad ee Xeerka Ciqaabta. Waxay khusaysaa jebinta Cutubyada 3aad, 4aad, 6aad, iyo 12aad ee Xeerka Ciqaabta, Cutubka 5aad, faqradaha 1aad ama 2aad, iyo faqrada 24aad ee Xeerka (1988:688) ee khuseeya mamnuucida isku taga. Sidaa daraadeed, waxaa laga yaabaa inay khusayso dembiyada sida weerarka, hanjabaadyo sharci darrada ah, dhibaataynta galmada, iyo burburinta hantida, iyo sidoo kale ku xadgudubka amarka isku-tagid la’aanta.
Dembiga dulmiga sharaf-ilaalinta waxaa loola jeedaa, tusaale ahaan, in qofka qof kale u geystay tacaddi fudud, hanjabaadyo sharci darro ah, iyo burburin hantiyeed oo lagu xukumi karo ciqaab ka sii daran haddii ay jirto hadafka ka dambeeya dambiyada inuu ahaa sharaf-ilaalin.
Dembiga cusub waxaa qasab ah in lagu dabaqo kiisaska xadgudubyada soo noqnoqda ee habaysan. Hase yeeshee, dembiyada ugu daran, sida dilka, kufsiga, gudniinka fircooniga ah, looguma talagelin in lagu daro dembiga dulmiga sharaf-illalinta. Si la mid ah sida loo maareeyo jebinta halista ah ee xasilloonida iyo jebinta halista ah ee xasilloonida haweenka, dembiyada culus waa in si gaar ah loo maareeyaa. Sidaas owgeed, dembiilayaasha waxaa lagu dacweyn karaa dulmiga iyo kufsiga labadaba, haddii ay jiraan dembiyo aan cuslayn oo si nidaamsan oo ujeeddo sharaf-ilaalin ah loo sameeyo. Mararka lagu qaadayo dambiyo ka sii culus, waxaa kaloo lagu dabaqi karaa fakarkii hore ee loo soo bandhigay ee lagu kordhinayo ciqaabta dembiyada sharaf-ilaalinta, waxaana la kordhin karaa ciqaabta guud.
Guurka qasabka ah iyo guurka carruurta
Sida uu qabo sharciga Iswiidhan, Waa sharci darro in qof kale lagu qasbo guur ama xiriir u eg guurka. Dembiga guurka qasabka ahi waa mid lagu ciqaabi karo in kabadan afar sano oo xabsi ah.
Intaa waxaa dheer, laga bilaabo 1-da Juulaay, 2020, guurka carruurtu waa ka mamnuuc Iswiidhan. Sidaa darteed, guurka ama xiriir u eg guurka oo lala yeesho qof kayar 18 sano waa ka sharci darro gudaha Iswiidhan, iyada oo aan loo eegin meesha xiriirka laga sameeyay. Ma ahan ilmaha qofka dembiilaha ah, ee waa kan qaangaarka ah ee u awood siinaya ama u oggolaanaya canuga inuu galo guur ama xiriir la mid ah. Qofkii guursada ilmo ama qorsheeya isna dembi buu galay. Guurka carruurtu waa dembi lagu ciqaabi karo xadhig ugu badnaan afar sano ah.
Gudniinka Fircooniga
Sharciga Iswiidhan ayaa mamnuucaya faragelinta xubinta taranka haweenka ee dibadda iyada oo ujeedadu tahay in la gooyo ama lagu sameeyo isbeddello kale oo joogto ah xubinta taranka ee qofka ay saamaysay. Xariir lama leh haddii dhibbanuhu oggolaado nidaamka iyo haddii kale.
Gudniinka fircooniga ah waa caado waxyeelo leh oo dhibbanaha u keeni karta dhibaato aad u daran. Hal hadaf oo laga leeyahay gudniinka fircooniga ah ayaa ah in la xakameeyo galmada gabdhaha iyo haweenka iyadoo jinsigooda lala xiriirinayo xanuun iyo xishood. Inta badan, habka waxaa la sameeyaa iyada oo aan la suuxin.
Waxaa jira qaabab kala duwan ama darajooyin Gudniinka Fircooniga (FGM)ah. Jaridda kintirka oo dhammaystiran ama qayb ka mid ah ama buuryada hore ee kintirka ayaa ah nooca ugu yar ee naafaynta xubinta taranka. Nooca ku xiga ayaa tilmaamaysa in faruuryaha sidoo kale gebi ahaanba ama qayb laga saaray. Nooca saddexaad, oo loo yaqaan baabi'inta kintirka iyo tolista faruuryaha, dhammaan xubnaha taranka ee dibadda ayaa laga saarayaa, unugyada ku hareeraysanna waa la isku tolaa, taas oo ka tagaysa kaliya dalool yar oo kaadida iyo dhiigga caadada ay kabaxdo.
Noocyada kale ee naafaynta xubinta taranka waxaa ka mid ah noocyo kala duwan oo ah goyn, xoqid, gubitaan, ama "sarid."
Gabdhaha iyo haweenka ayaa sida caadiga ah lala eegtaa gudniinka fircooniga ka hor inta aysan galmo diyaar unoqon. Sidaa awgeed, waa wax caadi ah in carruurta loo geysto. Ma jirto xarun caafimaad oo lagu sameeyo gudniinka fircooniga ah ee gabdhaha iyo haweenka.
Tibaaxyada kale ee xadgudubyada iyo dulmiga
Dulmiga iyo rabshada la xiriirta sharaf-ilaalinta waxay yeelan karaan qaabab badan oo kala duwan. Intaa waxaa dheer guurka qasabka ah iyo gudniinka fircooniga ah, waxaa jira noocyo kala duwan oo hanjabaado iyo tacadiyo ah iyo waliba noocyo kala duwan oo dulmi ah.
Isku dayga beddelidda
Dadka LGBTQI ee ku nool deegaan ixtiraam leh, dulmigu waxa uu qaadan karaa qaab cadaadis ah in lagu noolaado oo ku salaysan aqoonsi jinsi oo ka duwan midka uu qofku dhab ahaantii isku aqoonsan yahay. Iskudayga beddelaada ah, qoyska ama qaraabadu waxay u doori karaan lammaane ku habboon jinsiga ka soo horjeeda. Waxa ay sidoo kale ku lug yeelan kartaa ka mamnuucista qofka dhibanaha ah inuu u labisto qaab gaar ah ama la macaamilka dad gaar ah.
Safarada Waxbarashada
Waxa loogu yeero safarada waxbarashada waa nooc kamid ah dulmiga la xiriira sharaf-ilaalinta ee loo isticmaalo in lagu koontoroolo carruurta iyo dhalinyarada qaangaarka ah ee aanan u hoggaansamin caadooyinka qoyska iyo bulshada. Qoyska ama koox lamid ah ayaa go'aaminaya in canuga ama qofka yar ay tahay in la diro, tusaale ahaan, wadanki ay kasoo jeedeen waalidiintooda si ay ula noolaadaan qaraabadooda ama xubnaha kale ee wadajirka ah kuwaas oo u korin kara ilmaha si waafaqsan qiyamka wadajirka ah.
Mamnuucista bixitaanka
Mamnuucista bixitaanka ayaa canuga loo soo saari karaa si looga hortago in dibada loo kexeeyo oona lagu sameeyo guurka carruurta ama gudniin.
Haddii ay jirto halis ah in canug dibada loo qaado ama uu ka tago Iswiidhan iyada oo ay ujeedadu tahay in qof loo guuriyo ama xiriir guur oo kale ah ama la gudo, Gudiga Daryeelka Bulshadu ayaa codsan kara mamnuucista bixitaanka canuga. Codsiga ayaa laga gudbiyaa maamul maxkamadeed.
Kiisaska degdegga ah, guddiga daryeelka bulshadu wuxuu soo saari karaa mamnuucid safar oo ku meel gaar ah kadibna waxa ay gudbin karaan maamul maxkamadeed, oo go'aan kagaara in mamnuucida safarka la soo rogo iyo in kale.
Mamnuucidda safarka ee lasoo saaray waa in si joogta ah dib u eegis loogu sameeyaa si loo go'aamiyo in manuucistu weli loo baahan yahay iyo in kale. Waa in mamnuucidda safarka laga qaadaa marki canuga uusan halis kujirin.
Sida uu qabo xeerka (1990:52) oo leh qodobo gaar ah oo kusaabsan daryeelka dhalinyarada qaangaarka ah, LVU, mamnuucista bixitaanka uma baahna inay la socdaan xarig ama tillaabo kale.
Sababaha sharaf-laalinta la xiriira ee ciqaabta adag
Laga soo bilaabo 1-di Juulaay 2020, Iswiidhan waxaa ka jiray wax sal u ah kordhinta ciqaabta dembiyada loo geysto sababaha sharaf-ilaalinta. Tani macneheedu waxa ay tahay marka la go'aaminayo ciqaabta dembiilaha, maxkamaduhu waa inay tixgeliyaan in waxa kadambeeya dembigu ay ahayd in la ilaaliyo ama la soo celiyo sharafta qof, qoys, qaraabo ama koox kale oo la mid ah. Haddii ay jirto sabab sharaf loo ilaalinayo, waa xaalad ka sii daraysa taasoo sababeysa in lagu xukumo ciqaab ka sii daran tii haddii kale ay ahaan lahayd kiiska dembiga su'aasha ay kataagantahay.
Sifo maxkamaduhu ay ugu suurto gasho iney korddhiyaan ciqaabta dambi, waxa kufilan mid kamid ah sababaha dambiga inuu kulug leeyahay sharaf-ilaalin. Sidaa awgeed, ilaalinta ama soo celinta sharaftu uma baahna iney tahay mida kaliya ama sababta kadambeysa dambiga.
Si ka duwan sababta loo kordhinayo ciqaabta, soo bandhigida dembiga cusub ee dulminta sharafta ayaa u oggolaanaysa booliiska iyo xeer-ilaaliyeyaashu inay baaraan dembiyada halkaas oo sharaftu loogu adeegtay sabab in badan waxtar leh. Dembiga gaarka ah wuxuu xaqiijinayaa in su'aasha ah inay jirto ujeedo sharaf-ilaalin oo kadambeysa dambiyada iyo in kale waa in la tixgeliyaa oo la diiwaangeliyaa inta lagu jiro baaritaanka oo dhan.
Masaafurinta dembi awgii
Qofka gala fal-dembiyeed la xiriira sharaf-ilaalinta, waxa uu halis u yahay ciqaab u dhiganta dembiga uu masuulka ka yahay. Guurka qasabka ah ama guurka carruurta, xukunka ugu badan waa afar sano oo xarig ah. Dembiga safarka guurka oo si khaldan, loo marin habaabiyo, xukunka ugu badan waa laba sano oo xarig ah. Dembiga cusub ee dulmiga sharaf-ilaalinta waxa lagu ciqaabi karaa ugu yaraan hal sano iyo ugu badnaan lix sano oo xarig ah. Dhererka xukunka dembiyada gudniinka fircooniga ah wuu kala duwan yahay iyadoo lagu saleynayo haddii ay tahay dembi yar, dembi heerka caadiga ah, ama dembi culus. Xukunka ugu badan dambi culus waa toban sano oo xarig ah.
Haddii dembiilahu yahay ajnabi aan deganayn EEA, waxaa laga yaabaa in laga musaafuriyo Iswiidhan. Haddii qofka lagu helo dambi xabsi u horseedi kara, masaafurin ayaa suurtagal ah. Ajnabigii lagu helo dembi la xiriira sharaf ilaalinta wuxuu halis u yahay in laga musaafuriyo Iswiidhan.
Marki la go'aaminayo hadii qof ajnabi ah kaas oo galay dambi, ay tahay in la musaafuriyo, maxkamaddu waa iney tixgalisaa xidhiidhka shaqsiga ajnabiga ah uu laleeyahay bulshada Iswiidhan. Intaa waxaa dheer, inta lagu guda jiro xukunka, waa in maxkamaddu ay tixgeliso in eedaysanaha ay saameyn ku yeelan doonto musaafurinta Iswiidhan natiijada dembiga awgeed. Tani macneheedu waxa ay tahay in maxkamaddu ay ku soo rogi karto xukun aad uga yar kan dembiga loo qoray haddii duruufo gaar ahi ay u oggolaadaan.