Beddellaada

Haddii aad dhibane u ahayd dambi la xiriira sharaf-ilaalinta, waxaad xaq u yeelan kartaa in magdhow lagaa siiyo khasaarihi kusoo gaaray. Magdhawga caymiska, magdhawga waxyeellada, iyo magdhawga dembiyada ayaa ah saddexda nooc ee magdhowga ah ee ay heli karaan dhibanayaasha dambiyada.

Magdhawga caymiska

Waxaad magdhowga kaheli kartaa caymisyo kala duwan. Waxay noqon kartaa caymis shakhsiyeed, sida caymiska guriga, caymiska shakhsiga, ama caymiska shilka. Waxa ay sidoo kale ku saabsanaan kartaa caymiska uu bixiyo qofka aad u shaqeyso, midowga ganacsiga, ama iskuulka.

Waa inaad ku ogeysiisaa shirkadaada(shirkadahaaga) caymiska sida ugu dhakhsaha badan ee suuragalka ah kadib marka uu dambiga dhaco.

Waxyeellada

Guud ahaan, qofka dambiga kuugeysta waa inuu sidoo kale magdhow kaa siiyaa waxyeellada uu kugaarsiiyey. Tani waxaa caadi ahaan lagu sameeyaa maxkamad iyadoo qeyb ka ah xukun ciqaabeed,, oo go'aaminaya in danbiilaha uu magdhow kaa siiyo waxyeellada.

Ma qabtaa su'aalo kusaabsan magdhowga?

Maamulka Dhibanayaasha Dambiyada waxa ay leeyihiin adeeg taleefan oo loogu talagalay dadka qaba su'aalaha kusaabsan magdhawga ee u sababta ah dambiga.

Maamulka Dhibanayaasha Dambiyada

Maamulka Dhibanayaasha Dambiyada waxa ay qabtaan codsiyada magdhowga waxyeellada fal-damiyeedka. La xiriir maamulka haddii aad qabto su'aalo kusaabsan kadib marki aad dhibane u noqoto fal-dambiyeed.

Har du utsatts för brott och vill svara på en enkät om den här webbplatsen?

Brottsoffermyndigheten utvecklar ständigt sin webbplats för att bättre möta brottsoffers behov. Dina synpunkter är viktiga för oss. Vi hoppas därför att du vill svara på några frågor om webbplatsen.

Jag vill svara på enkäten