Kuwa falka loo geystay

Qof kasta waxa uu xaq u leeyahay inuu naftiisa ahaado oo noloshiisana ugu noolaado suu rabo. Waa xuquuq asaasi ah oo ay carruurta iyo dadka waaweynba leeyihiin. Tani waxa ay khuseysaa qofkasta, iyada oo aanan loo eegeynin xiriirka qoys ama goobta dhalashada ama lagu soo barbaaray.

Xoriyad aad ku noqoto qofka aad rabto inaad noqoto

Waalidiinta ayaa masuul ka ah taageeridda iyo hagidda carruurtooda si markaa ay noloshooda guul uga gaari karaan. Waalidiintu waxa ay xaq u leeyihiin inay aragtiida lahaadaan marka ay timaado go'aanada carruurtooda. Waxa qoysasku u arkaan go'aamo wanaagsan ayaa kala duwanaan kara qoysba-qoys. Waxa ay ku xiran tahay asalka waalidka, sida dhaqankii lagu soo koriyey. Dhib ma laha qiyamka iyo dhaqamada ay leeyihiin waalidkaa maadaama aad awoodo inaad noqoto qofka aad rabto inaad noqoto ka canug ahaan.

Mar kasta oo uu qofku sii weynaado, waa inay sii badataa madax-bannaanida iyo nafiska uu ku gaarayo go'aankiisa. Awoodda dhalinyarada qaangaarka ah ay kula wareegayaan masuuliyad kaweyn noloshooda iyo go'aanadooda marka loo eego carruurta yaryar ayaa ah arrin muhiim ah oo ah dariiqa qaangaarnimada.

Qoysaska qaarkood, carruurta iyo dhalinayarada qaangaarka ah ma helaan xornimo sii kordheysa, taa awgeedna, waxaa ka maqan meesha muhiimka u ah inay ku noqdaan qofka ay rabaan inay noqdaan. Qaar ka mid ah carruurta iyo dhallinyarada qaangaarka ah waxa ay aaminsan yihiin in xorriyaddooda ay hoos u dhacayso marka ay da'doodu sii weynaato iyo in qoysaskoodu ka hor istaagayaan inay qaataan go'aamo madaxbannaan. Waxa ay ku lug yeelan kartaa waalidiinta go'aansanaya dharka ay carruurtooda xiranayaan, fasalada ay dhigan karaan, iyo cidda ay wakhti la qaadan karaan.

Filim kusaabsan dulmiga iyo rabshada la xiriirta sharaf-ilaalinta (ku qoran Af-Iswiidhish)

Devin Rexvid waa bare sare iyo cilmi baare oo wax ka dhiga Jaamacada Stockholm. Filimkan dhexdiisa, waxa uu ku qeexayaa waxa ay yihiin dulmiga iyo rabshada la xiriirta sharaf-ilaalinta, waxa ay ka koobnaan karaan, iyo sida ay isu muujin karaan. Waxa uu sidoo kale kahadlayaa taageerada iyo caawinta loo heli karo dadka nugul.

10,34

Waxaad xaq u leedahay inaad aado iskuul

Caruurta iyo barbaarrada waxa ay leeyihiin xaquuq waxbarasho. Tani waxa ay kadhigan tahay caruurta oo idil in ay aadaan dugisga. Waxay kaloo kadhigan tahay in dhammaan carruurta loo ogolaado soo xaadiridda casharraha oo dhan, xataa haddii aysan waalidiintu doonaynin. Gudaha dalka Iswiidhan waxaa jira wax loo yaqaan waxbarasho khasab ah. Caruurta waxaa looga baahan yahay in ay dhigtaan dhamaan fasalada laga soo bilaabo dugsiga barbaarinta ilaa fasalka sagaalaad oo qayb ka ah waxbarashada khasabka ah.  Waxa ay mas’uuliyad kasaaran tahay dugsiga iyo waalidiinta labadoodaba xaqiijinta in uu ilmaha xaadiro dhamaan casharrada dugsiga hoose.

Waalidiinta qaar ma rabaan in ilmahooda ama carruurtooda kaqeybgalaan casharada qaarkood. Waxay noqon kartaa jimicsiga jirka ee dugsiga, waxbarashada kusaabsan galmada, ka tusaale ahaan. Si kastoo ahaataba, waalidiintu wa in aysan kahor istaagin xaadiridda fasalada.

Xorriyadda in aad jeclaato qofkii aad doonayso

Qof walbo waxa uu xaq uleeyahay in uu jeclaado qof kastaahi oo uu doonayo. Taa waxa ay kadhigantahay in aad haysato madax banaanida aad kudooran karto sida aad u noolaanayso iyo qofka aad lawadaagayso noolashada. Qoyskaagu waa in aysan kuu doorin lamaanahaaga ama qofka aad qolka lawadaagayso. Qoyskaaga ma xadidi karaan qofka aad la rafiiqayso. Sidoo kale qoyska waa ka mamnuuc in ay kuu sheegaan qofka aad guursanayso ama ay kugu qasbaan guur aadan rabin Waxaad xor u tahay in aad adiga go’aansato in aad guursato haddeer ama mustqbalka danbe, haddii ay saas tahayna, qofka aad guursanayso.

Guurka carruurta iyo guurka qasabka ah

Haddii aad guursato adiga oon rabin sababtoo ah waalidiintaada dartood amaba rabitaanka shakhsi kale, guurkaasi looma aqoonsano in uu yahay guur iskaa ah. Lama aqbali karo in shaksi uu ku cadaadiyo ama kugu qasbo asagoo adeegsanayo caga juglayn iyo dhibaatayn amaba uu isku dayo in uu ku dareensiiyo in aad tahay danbiile haddi aadan samaynin rabitaankiisa.

Intaas waxa dheer, looma ogola waalidiintaada amaba qofkale in uu kaa guuriyo wadan kale. Ma saameneyso wax badal ah haddii laga ogolyahay wadankaas. Labadaba guurka carruurta aan qaangaarin iyo guurka qasabka ah waxay kayihiin falal dambi gudaha Iswiidhan. Sidoo kale wa danbi in la qorsheeyo ama loo diyaariyo in ilma la bixiyo ama falkaas lagula kaco qof aanan doonayn.

Haddii aad ka walwalsan tahay in adiga lagu guuriyo ama qof kula dhashay ama ina adeerkaa ama saaxiib waa in aad ugudbisaa qof aamin ah. Qof walbaa oo halis ugu jiro in guur lagu qasbo waxa uu xaquuq badbaadin iyo caawinaad kuleeyahay bulshada. Booliska iyo adeegyada bulshada waxay bixin karaan badqab iyo caawinaad.

Haddii aadan garanaynin cid aad laxiriirto, waxaad lasoo xiriiri kartaa ururada sida xarunta soo dhawaynta Linnamottagningen, hoyga dumarka Somaya iyo hoyga dumarka ama Terrafem, kuwaas oo ufidiya caawinaad dadka halista ugu jira in qof loo guuriyo ama kuwa la kulma dulmi la xiriira sharaf-ilaalinta. Hawlgallada Terrafem waxay taageerada ku bixin karaan luuqado badan.

Haddii booliisku ka shakiyo in qoysku qorsheynayo una diyaar garoobayo guur qasab ah ama guur ilmo, waa inay bilaabaan baaritaan. Tani waa run iyada oo aan loo eegin cidda dembiga u soo wargelisay booliiska iyo xitaa haddii dhibbanuhu aanu doonayn inuu ka warbixiyo dhacdada. Iyadoo lala kaashanayo baaritaanka, qiimeyn ayaa la sameeyaa si loo go'aamiyo nooca ilaalinta uu u baahan karo dhibbanaha.

Xaqa aad u leedahay jinsinimadaada

Qoysaska ay kajiraan is-koontaroolka ee ay sababta u yihiin heerarka sharaf-ilaalinta, waa mid inta badan dhacda in carruurta iyo kuwa qaangaarka ah la koontoroolo jinsinimadooda. Qoyska ayaa go'aansanaya cidda ay carruurta qoyska iyo dhallinyaradu la macaamili karaan. Qoysas badan, rabitaanka galmada ee aan ka ahayn jinsiga kasoo horjeeda ayaanan la aqbalin iyada oo ay sabab u tahay koontoroolka. Sidaa daraadeed, shakhsiyaad badan oo isu aqoonsada inay yihiin kuwa u galmooda dadka ay isku jinsiga yihiin, kuwa ugalmooda labadaba dumarka iyo ragga, kuwa badalay jinsigooda, ama kuwa loo tago ayaa lagu qasbaa inay qoysaskooda ka qariyaan rabitaankooda galmada haddii kale waxaa lagula kacayaa dulmi, hanjabaad, iyo rabsho.

Qoysku wuxuu ciqaabi karaa carruurta iyo dhallinyarada u noolaan karin jinsigooda, tusaale ahaan, iyadoo loogu hanjabayo in laga saarayo qoyska, loo qorsheynayo guur qasab ah, ama iyadoo la iskudayayo in la badalo iyadoo loo marayo xadgudub galmo. Iskudayga badalitaanka waxa uu dhacaa marka qofka lagu qasbo ama lagu saameeyo inuu beddelo jihada galmoodka, aqoonsiga jinsiga, ama muujinta rabitaanka jinsiga. Tan waxaa lagu gaaraa waxa loogu yeero "daaweynta," sida daaweynta cilminafsiga ama dawooyinka.

Dadka aan ku noolaan karin aqoonsigooda ama jinsigooda sababo la xiriira xakameynta qoyska ama qaraabada waxay u baahan karaan ilaalinta booliiska iyo adeegyada bulshada. Booliiska la xiriir haddii aad dareento in lgauu hanjabay ama haddii aad ka walaacsan tahay qofkale. Kiisaska degdega ah, waa inaad lambarka xaaladaha degdega ah ka wacdaa 112. Haddii aysan jirin khatar degdeg ah, waxaad booqan kartaa xarunta booliska ama waxaad booliska ka wici kartaa lambarka 114 14.

Haddii aad u baahan tahay taageero iyo talo, waad la xiriiri kartaa Xarunta Qaabilaada ee RFSL Stödmottagning.  Waxa kale oo aad la xiriiri kartaa wada sheekaysiga taageerada Save the Children (Ururka Badbaadada Carruurta) ee Jaceylku waa xor.

Ka ilaalinta gudniinka fircooniga ah

Gudniinka fircooniga ah waxaa loo isticmaalaa in lagu xakameeyo jinsinimada gabdhaha iyo haweenka ee qoysaska qaarkood ee ku nool dhaqanka sharaf-ilaalinta ku dhisan. Gudaha Iswiidhan, waa sharci darro in la qorsheeyo oo la sameeyo gudniinka fircooniga ah, oo ciddii sidaa ku kacdana waa la ciqaabi karaa. Sharci darro kama ahan oo kaliya gudaha Iswiidhan, laakiin sidoo kale waa mid sharci darro ah in canug loo kexeeyo wadan kale si halkaa loogu sameeyo gudniinka fircooniga ah. Ma ahan mid khuseyso in gudniinka fircooniga ah laga oggol yahay wadanka la aadayo.

Gudniinka fircooniga ah waa ka saarista dhammaan ama qayb kamid ah faruuryaha dibadda, faruuryaha gudaha, ama kintirka oo laga saaro xubinta taranka ee gabadha. Gudniinka fircooniga ah ee dheddigga waa mid waxyeello leh oo halis ku ah dhibbanaha. Dadka lagu sameeyey gudniinka fircooniga ah waxa ay dareemi karaan dhibaatooyin jireed oo kala duwan, oo qaarkoodna ay la nooolaanayaan inta ay nool yihiin.

Waa mid kamid ah xuquuqda aadanaha in carruurta aan loo geysan nooc kasta oo xadgudub ah. Gudniinka fircooniga ah waa mid ah muujinta xadgudub. Waa xadgudub jireed iyo mid maskaxeed labadaba iyada oo ay sabab u tahay dhaawaca dhibbanuhu la kulmo ee kadhasha xadgudubka. Jaritaanka xubinta taranka ayaa sidoo kale noqon karta nooc kamid ah xadgudubka galmada marka loo sameeyo ujeedooyin la xiriira xakamaynta galmada.

Tusaalooyinka dhibaatooyinka waxaa ka mid ah:

  • in galmadu ay adag tahay oo ay xanuun badan tahay,
  • in shakhsiga ay la kulanto dhibaatada xanuunka caadada iyo ur xun,
  • in nabarrada gudniinku ay yihiin kuwo aan loo dulqaadan karin oo ay dhibaato ku noqoto fadhiga, iyo
  • in qofka ay dhib ku tahay kaadida.

Gudniinka fircooniga ah waxa uu sidoo kale keeni karaa dhibaatooyin nafsi iyada oo ay sabab u tahay cabsida haysata dhibanaha iyo xusuusaha aanan wanaagsaneyn ee habka loo maray.

Cahdiga Xuquuqda Carruurta

Cahdiga Xuquuqda Carruurta waa cahdi lagu daray sharciga Iswiidhan. Cahdiga Xuquuqda Carruurta waxa uu khuseeyaa dhammaan carruurta, iyadoon loo eegaynin da'da, dhalashadooda, ama meesha ay deggan yihiin. Carruurtu waa dhammaan shakhsiyaad kayar 18 sano.

Mudnaanta koowaad waa in la siiyaa danta ugu wanaagsan ee ubadka ee dhammaan go'aamada la xiriira carruurta. Waxaa lagu daray Qodobka 3aad ee cahdiga xuquuqda carruurta waana mid ka mid ah mabaadii'da aasaasiga ah ee Cahdiga.

Qodobka 12aad waxa uu dhigayaa in carruurta u bislaaday in ay fikradahooda samaystaan ​​ay xaq u leeyihiin in ay si xor ah u cabiraan ra’yigooda ku saabsan arrimaha iyaga khuseeya. Marka loo eego da'da sii kordheysa ee ilmaha iyo heerka qaangaarnimada, fikradaha canuga waa inay saameyn wanaagsan ku leeyihiin nolosha canuga.

Qodobka 19aad ee Cahdiga Xuquuqda Carruurta ayaa u baahan in Dhinacyada Dawladdu ay qaadaan dhammaan tallaabooyinka ku habboon si ay carruurta uga ilaaliyaan dhammaan noocyada rabshadaha jireed ama maskaxeed, dhaawaca, xadgudubka, dayaca, xadgudubka, ama ka faa'iideysashada, oo ay ku jirto xadgudubka galmada.

Intaa waxaa dheer, Cahdiga Xuquuqda Carruurta waxa uu mamnuucayaa in carruurta loo baylaho dhaqamada waxyeellada leh.

Canug lagu qasbay inuu isaga tago gurigiisa ama gurigeeda waa inuu helaa xaqa uu ilaalin gaar ah uga helayo dawladda, cahdiguna waxa uu sheegayaa inay waajib tahay in lahelo daryeel beddel ah. Tani waxa ay ku cadahay Qodobka 20aad.

Caawinaad ayaa la heli karaa

Carruurta iyo dkuwa qaangaarka ah waxay xaq u leeyihiin inaanan lagu ciqaabin inay naftooda iswadaan. In qofka loo ciqaabo sababo ah in xeerarka qoyska ay kahor imaanayaan rabitaankooda galmo, labiska, ama xulashada saaxiibada ayaa ah mid aanan la oggoleyn waxa ayna noqon kartaa mid sharci darro ah. Haddii aad dareento in xubin qoyska katirsan ama qaraabo ah uu ku koontaroolayo ama uu kuu hanjabayo, ama haddii aad ka walaacsan tahay qof kale, waa mid faa'iido ah haddii aad u sir-sheegato qof lagu kalsoonaan karo.

Haddii aadan rabin inaad la hadasho saaxiib dhow ama xubin qoyska ka tirsan, waxaad la xiriiri kartaa hay'ad caawisa dadka qoysaskoodu u taliyaan ama u hanjabaan. Waxaa hoos kuqoran macluumaadka meelaha lagala xiriirayo ganacsiyo kala duwan oo bixin kara caawinaad iyo taageero.

Haddii aad rumeysantahay inaad dhibane u noqotay fal-dambiyeed, waxaad la xiriiri kartaa booliiska adigoo wacaya 114 14 ama waxaad booqan kartaa saldhigga booliiska. Waa inaad waxdaa lambarka degdega ah ee 112 haddii aad ku sugan tahay khatar degdeg ah. Uma baahnid inaad ka warqabto in waxa dhacay uu ahaa dambi; balse waa mas'uuliyadda booliiska inay baaraan warbixintaada.

Waxaad had iyo jeer caawinaad iyo ilaalin ka raadsan kartaa booliiska ama adeegga bulshada ee degmadaada.

Qofkasta oo dhibane u noqday fal-dambiyeed waxa uu xaq u leeyahay inuu helo magdhow, tanina waxaa kamid ah adiga dhibanaha u noqday fal-dambiyeed la xiriira.  Iyada oo ay daba socoto adkeynta sharciga ee dhawaan la sameeyey, waxaa hadda suurtogal ah in dembiyada loo geysto iyadoo loo cuskanayo sharaf-ilaalin la helo magdhow ka weyn marka loo eego dambiga aanan la xiriirin xaalada sharaf-ilaalinta.

Waxaad halkan kaheli kartaa taageero oo halagu caawiyo

Maamulka booliska

Maamulka booliska waxa uu baaritaan ku sameeyaa dambiyada lasoo sheegay marka ay soo gaaraan warbixintooda. Haddii aad ubaahato qof aad kala hadasho wixi aad soo martay, waxa ay sidoo kale kuu gudbin karaan waxqabadyo dheeraad ah. Booliisku waxa uu kusiin karaa magangalyo haddii laguugu hanjabo ama laguu geysto xadgudub.

Adeegyada bulshada

Adeegga bulshada ee degmo kasta ayaa mas'uul ka ah caawinta iyo taageerada dhibanayaasha dembiyada iyo qoysaskooda. Waxaa hoos kuqoran lifaaqa webseedka Degmooyinka iyo Gobolada Iswiidhan, halkaas oo ay kujiraan macluumaadka lagala xiriirayo degmadaada.

Khadka caawinta GAPF

Ururka Qaranka ee Waligaa Ha Ilaawin Pela iyo Fadime, GAPF, ayaa taageero iyo talo ku bixiya khadka caawinta. Waa ay furan yihiin 24/7, sanadka oo dhan. Dadka nugul, iyo sidoo kale qaraabada iyo xirfadlayaasha, waxay caawimaad ka raadsan karaan khadka caawinta. Xarunta caawinta waxaa ka shaqeeya shakhsiyaad caadeystay la macaamilka shakhsiyaadka loo geystay arrimaha sharaf-ilaalinta. Wicitaanka khadka caawinta waa bilaash, waad isqarin kartaa, shqaalaha taageeradana waxaa ay masuuliyad ka saaran tahay qarsoonaanta sirta.

Xarunta Qaabilaada ee Linnamottagningen

Xarunta Qaabilaada ee Linnamottagningen waa xarun qaabilaad oo loogu talagalay dhalinyarada qaangaarka ah ee loo geystay dulmiga iyo rabshada la xiriirta sharaf-ilaalinta ama qof loo guuriyey ama halis ugu jira in qof aysan rabin loo guuriyo. Xarunta qaabilaada waxay ku siin kartaa caawimo si degdeg ah iyo mustaqbalka fog labadaba. Xarunta qaabilaada waxay leedahay labadaba LGBTQI iyo karti dhaqameed. Xarunta Qaabilaada ee Linnamottagningen waxay sidoo kale talo siin kartaa xirfadlayaasha la kulma dadka nugul. Xarunta Qaabilaada waxay leedahay telifoonka degdega ah ee qaranka.

Qeybta wada sheekeysiga ee Jaceylku waa xor

Rädda Barnen waxay maamushaa wada sheekaysi taageero ah oo lagu magacaabo Jaceylku waa xor. Wada sheekeysiga waxaa loogu talagalay carruurta iyo dhalinyarada raadinaya taageero iyo hagitaan ku saabsan arrimo kala duwan oo la xiriira sharaf-ilaalinta. Wada sheekeysiga waxaa maamula shakhsiyaad aanan macaash-doon ahayn. Halkan, carruurta iyo dhallinyarada qaangaarka ah waxay soo jeedin karaan su'aalo ku saabsan xuquuqda, dulmiga iyo rabshada la xiriirta sharaf-ilaalinta, xaddidaadda iyo guurka khasabka ah, iyo mowduucyo kale.

Xarunta Qaabilaada RFSL Stödmottagning

Xarunta Qaabilaada RFSL Stödmottagning waxay u qabataa waxqabadyo taageero ah dadka LGBTQ ee la kulmay dhibaataynta, hanjabaadaha, iyo rabshadaha. Qaraabada iyo asxaabta shakhsiyaadka LGBTQ ee rabshada wata, iyo sidoo kale xirfadlayaasha soogalaya dadka la beegsanayo, ayaa la soo dhaweynayaa. La xiriiridda taageerada xarunta qaabilaada waa mid bilaash ah, waana suuragal inaad isqariso.

Hoyga dumarka iyo gabdhaha ee Somaya

Hoyga dumarka iyo gabdhaha ee Somaya waa urur aan macaash doon ahayn oo caawiya gabdhaha, haweenka, iyo shakhsiyaadka LGBTQI ee asalkoodu yahay ajnabi ee la kulma rabshadaha lammaane ee soke ama ku nool deegaan ixtiraam leh. Hawlagallada luuqadaha badan leh ee Somaya waxaa kamid ah khadka caawinta, wada sheekeysiga taageerada ah, deganaanshaha la ilaaliyo, iyo xarunta waxqabadka. Shaqaaluhu waxay khibrad dheer u leeyihiin caawinta dadka u baahan in la ilaaliyo kana baxsado dulmiga iyo rabshada.

Terrafem

Terrafem waa urur aan macaash doon ahayn oo u dooda xorriyada gabdhaha iyo haweenka ee ay kaga xoroobaan tacadiga ragga. Terrafem waxa ay ku shaqeeyaan khadka caawinta oo loogu talagalay gabdhaha iyo haweenka kasoo jeeda wadamada ajinabiga ah waxa ayna xiriir la leeyihiin shakhsiyaadka danyarta ah ee kasoo kala jeeda wadamo iyo luuqado kala duwan. Intaa waxaa dheer, Terrafem waxa ay ka shaqeysaa adeegga wicitaanka ee sharciga ah iyo adeegga wicitaanka haweenka.

Xuquuqda haweenka ee bulshada dhexdeeda, TRIS

TRIS waa urur aanan macaash doon ahayn oo la dagaalama dulmiga iyo rabshada la xiriirta sharaf-ilaalinta. TRIS waxa uu kaalmo siiyaa dadka waaweyn iyo sidoo kale carruurta iyo dhalinyarada qaangaarka ah ee loo geystay ama khatarta ugu jira dulmiga iyo rabshada la xiriirta sharaf-ilaalinta. Ururka TRIS, waxa ay ku takhasuseen dabooliddda baahiyaha carruurta iyo dhalinyarada qaangaarka ah ee cagliga naafada ka ah. TRIS, waxa ay ku shaqeeyaan taleefanka caawinta, khadka caawinta ee TRIS, iyo adeegyo kale. Ururku waxa uu sidoo kale shakhsiyaadka nugul uu siin karaa degenaansho ama ilaalin kumeelgaar ah.

Macluumaadka iyo agabka ololaha

Bishi Juun 2022, waxaa la bilaabay olole xog-ogaaleed oo qaran oo ku saabsan qaab-dhismeedka sharciga iyo agabka lagula dagaalamayo dulmiga iyo rabshada la xiriirta sharaf-ilaalinta. Dadka bartilmaameedka ah waxaa kamid ah carruurta iyo dhallinyarada qaangaarka ee nugul, iyo sidoo kale qoysaskooda iyo asxaabtooda, iyo sidoo kale xirfadlayaasha la shaqeeya carruurta iyo dhallinyarada qaangaarka ah. Waxa ku qoran waxaa lagala soo dagi karaa carruurta iyo dhallinyarada nugul, iyo sidoo kale qoysaskooda iyo asxaabtooda, iyo sidoo kale xirfadlayaasha la shaqeeya carruurta iyo dhallinyarada. waxaana laga gali karaa kanaalo iyo aalado kala duwan. Ololaha ayaa lagu arki karaa baraha bulshada, boorarka dhijitaalka ah, iyo gaadiidka dadweynaha ee magaalooyinka waaweyn.